Ra’iisal Wasaaraha UK oo la ganaaxay

0
91

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak ayaa la ganaaxay kadib markii la sheegay in uusan xiran suunka badqabka xilli uu saarnaa baabuur.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha  ayaa sheegay in Mr Sunak “uu gebi ahaanba aqbalay khaladkan, raalli gelin ayuu ka bixiyay arrintaas”

Xafiiska wuxuu intaa raaciyay in uu bixin doono ganaaxa.

 

Dadka rakaabka ah ee la qabto iyagoo aan xiran suunka badqabka ee UK waxaa uu qofka muteysan karaa 100 lacagta giniga ah.

 

Halka haddii qofka la geeyo maxkamad lagu ganaaxi karo 500 oo lacagta giniga Ingiriiska ah.

Muuqaalka laga duubayay Ra’iisal Wasaaraha xilligga uu baabuurka saarnaa ayaa lasoo dhigay barta Istagram-ka ee Mr Sunak, wuxuu muuqaalka qeyb ka ahaa mid lagu xayeysiinayay mashruuca dowladdiisa ee ku aadan shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha, waa markii labaad oo la ganaaxo Ra’iisul Wasaaraha.