Ra’iisul wasaaraha Faransiiska oo madaxda Yurub ugu baaqay in laga hortago faafitaanka COVID-19.

0
366

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Jayn Kastakis ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay faafitaanka xanuunka Covid19 noociisa cusub.

Kaastskis ayaa sheegay in nooca cusub ee karoona uu hadda ku faafayo si xawli ah taasoo halis gelin karta nolosha dad badan oo Yurub ku nool.

Madaxda midawga Yurub ayuu ugu baaqay inay qaaadaan tilaabooyin looga hortagayo faafitaanka xanuunkaan iyo in lasoo celiyo xanibaadaha si uusan u faafin.

Dhawr oo Yurub ku yaala oo ay ka mid yihiin Faransiiska, jamhuuriyada Ireland iyo Jarmalka ayaa saadihii la soo dhaafay ku dhawaaqay bandaw cusub oo dadka lagu soo rogayo.

Qiyaastii 89 million oo qof oo Yurub ku nool ayuu xanuunkaan ku dhacay 2 sanno ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here