Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigay dhismaha warshadadda dharka ciidamada qalabka sida

0
319

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarunta warshad soo saareysa dharka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Warshadda oo soo saaraysa dharka ciidanka oo leh tixraan fududaynaya in askari kasta ee Soomaaliyeed uu helo labis u gaar ah, ayaa meesha ka saaraysa dharkii ciidanka ee laga keeni jiray dibadda iyo in dharka ciidanka ay isticmaalaan shaqsiyaad aan ciidanka qayb ka ahayn.

Dowladda Turkiga ayaa Warshadda iyo dhammaan waxyaabaha ay ku shaqaynayso ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya, oo hadda gacanta ku haysa, waxaana la howl gelinayaa warshadda marka uu dhimaado dhismah ay ku shaqaynayso si ugu dambayn ay u shaqo billaawdo horraanta sannadka 2020.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa fulinaya dhismaha warshadda oo qorshuhu yahay in lagu dhammeeyo sannadkaan gudihiisa, iyada oo qalabka lagu dhisayo xarunta ay soo saarayso warshad uu leedahay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dib loo howl geliyay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  S/ Guud Bashiir Maxamed Jamac ayaa ka waramaya ahmiyadda warshadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here