Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini oo booqasho ku timid Muqdisho.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay horumarka DFS ay ka sameysay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019.
Wasiirka arriimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka waramaya ahmiyadda kulanka.