Ra’iisul wasaaraha UK oo walaalkiis xilka wasiirnimo iska casilay

0
280

Baladweyne(Radio Beerlula)- Jo Johnson oo la dhashay ra’iisul wasaaraha Ingriiska Boris Johnson ayaa shaaca ka qaaday inuu xilka wasiirnimo iyo xildhibaanimo iska casilayo xilli UK uu ka taagan tahay muranka ku aadan ka bixidda Midowga Yurub.

Wuxuu sheegay in uu culeys xad-dhaaf ah ka dareemay sidii uu isugu dheelli tiri lahaa ka shaqeynta danaha qoyskiisa iyo tan qaranka.

Jo Johnson oo ahaa wasiirkii ganacsiga ayaa sheegay in shaqadiisa ay lasoo deristay dhibaatooyin la xallin waayay.

Jo Johnson ayaa sannadkii 2016-kii u codeeyay in UK aysan ka bixin Midowga Yurub halka walalkiis oo ah Ra’iiusl wasaare Boris Johnson uu hoggaaminayay ololaha Ingiriiska uu kaga baxayo EU.

Wuxuu horey xilka iska casilay sannadkii lasoo dhaafay isaga oo ka careysan heshiiskii Theresa May ee ka bixidda Ingiriiska ee Midowga Yurub.

Balse wuxuu dib ugu biiray dowladda xaggaagan markii xisbiga Conservative ay walaalkiis u doorteen Ra’iisul wasaaraha UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here