Ra’iisul wasaaraha XFS oo Muqdisho ka furay shirka sannadlaha ah ee xeer ilaaliyayaasha dalka.

0
127

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Magaalada Muqdisho ka furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla waxaana Shir ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xeer Ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada, Safiirro iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Caddaaladdu ay tahay unug isku xiran oo ay lagama maarmaan tahay in hal mar ah la isla saxo, isla markaana aan waxba laga qaban karin amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada haddii aan la hagaajin.

Warbixintan waxa noo haya Aadan Cabdi Axmed