Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xariga ka jaray xarunta wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo dib u dhis iyo qalabeynba lagu sameeyay.

0
119

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magalada muqdisho xariga kaga jaray xarunta wasaaradda Xanaanada Xoolaha soomaaliya oo dib u dhis iyo qalabeynba lagu sameeyay.
Dhaqaalaha lagu dhisay iyo qalabeynta ayaa waxaa dowlada soomaaliya ka taageeray midowga yurub waxaana fuliyay mashruuca dhismaha Hey,ada FAO
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa u mahadceliyay midowga yurub iyo FAO sida ay garab taaganyihiin dowlada iyo shacabka soomaaliyeed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmed.