Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay daah-furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Bulsho.

0
102

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Bulsho ee Midaysan oo lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan la’aanta cuntada, si loogu diyaariyo bulsho adkaysi u leh aafooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo Ayaxa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay mudnaanta uu xilligan u leeyahay dalka nidaamkani oo ay xuddun u tahay siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee ah in la helo horumar ay bulshadu qayb ka yihiin, una siman yihiin si loo xoojiyo ammaanka, koboca dhaqaalaha iyo wada-socodka bulshada Soomaaliyeed.

Warkan waxaa ino haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin