Baladweyne (Radio Beerlula)-Maxkamad gaar ah oo ka dhisan dalka Guinea ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira musuq-maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.
Ibrahima Kassory Fofana, oo horey u ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumaddii madaxweynihii hore Alpha Condé, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay laba bilyan oo franki Guinea ah ($230,000). Xukunkiisa ayaa lagu dhawaaqay Khamiistii, magaalada Conakry ee caasimadda dalka.
Maxkamaddu waxay Fofana ku heshay inuu lunsaday ilaa 15 bilyan oo franki Guinea ah ($1.7 milyan) oo ka mid ah dhaqaalaha barnaamijyada daryeelka bulshada ee dowladdii hore, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dadaalladii wax looga qabanayay cudurka COVID-19.
Wuxuu ka mid yahay mas’uuliyiin badan oo ka tirsanaa xukuumaddii la afgambiyay ee Condé, kuwaas oo ay maxkamaddu si gaar ah u dabagalayso tan iyo markii militarigu la wareegeen talada dalka.
Fofana wuxuu xilka ra’iisul wasaaraha hayay intii u dhaxaysay May 2018 iyo September 2021, markii militarigu xukunka la wareegeen. Waxaa la xiray bishii April 2022 isagoo lagu eedeeyay musuq-maasuq, wuxuuna xabsiga ku jiray tan iyo markaas.
Fofana si adag uyuu beeniyey eedeymaha, waxaana qareennadiisa ay ku tilmaameen dacwadiisa “ugaarsasho siyaasadeed.