Ra’isul wasaaraha Shiinaha Li Qiang aya maanta oo isniin ah booqasho ku tagay dalka Australia.

0
144

Baladweyne (Radio Beerlula)- Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay oo uu ra’isulwasaare Shiinees ah ku tago Australia muddo 7 sano ah.

Li Qiang wuxuu isla maanta la kulmay ra’isulwasaaraha Ausrtalia Anthony Albanese, iyagoo ka wada hadlay xiriirka ganacsi, ammaanka gobolka iyo qoraa u dhashay Australia oo ku xiran Shiinaha.

Li, oo ah shakhsiga labaad ee ugu sarreeya Shiinaha marka laga yimaado madaxweyne Xi Jinping, ayaa booqashadiisa Australia loo arkaa mid calaamad u ah xasilinta xiriirka labada dhinac, kaddib madmadow dib-lamaasiyadeed oo labada dhinac soo kala dhex galay, kaas oo ku qotomay xannibaad ay Beijing saartay badeecad lagu qiyaasay ilaa $20 bilyan oo dollar oo ay Australia u dirto Shiinaha iyo sidoo kale khilaaf ku saleysnaa arrimaha difaaca.

Ra’isulwasaaraha Australia ayaa wariyaasha u sheegay in ay “ay soo dhaweynayaan xasilinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee sii socda.

Wadahadalkan ayuu ku sheegay mid u ogolaaday inay dhinacyada dhisaan wacyigelin qoto dheer oo ku saabsan danahooda.