Raphinha oo kala doortay kooxdii uu ku biiri lahaa Barcelona iyo Liverpool

0
180

Ciyaaryahan Raphinha ayaa la soo warinayaa inuu kala doortay kooxdii uu ku biiri lahaa Barcelona iyo Liverpool oo labaduba doonayay saxiixiisa.

Sida uu warinayo Wargeyska Sport ee ka soo baxa dalka Spain, xiddiga kooxda Leeds United ee Raphinha ayaa iska diidi doona xiisaha Liverpool si uu ugu biiro naadiga Barcelona.

Xiddiga reer Brazil ayaa si aad ah loo doonayaa xagaagan, Barca ayaana qorsheyneysa inay la xiriirto Leeds United maalmaha soo socda si ay meesha uga saarto kooxaha kale ee doonaya, kaddib markii ay horey heshiis horudhac ah ula gaartay ciyaaryahanka.

Liverpool ayaa ka mid ahayd kooxaha doonayay saxiixa Raphinha, balse haatan waxaa la warinayaa inuu kooxda Ingiriiska ka dhisan ka doontay midda reer Spain ee Barcelona, waxaana la fahamsan yahay inuu u dhaqaaqi doono garoonka Camp Nou.