Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga Barcelona, Raphinha, ayaa ammaan ballaaran u jeediyay da’yarka kooxda, Lamine Yamal, isagoo ku tilmaamay mid aan caadi ahayn.
Raphinha ayaa la hadlay warbaahinta kadib guushii ay Barcelona ka gaartay Girona wuxuuna yiri:
“Lamine Yamal waa wax layaab leh… wuxuu u muuqdaa sidii qof 10 sano kubbadda cagta xirfad ahaan u ciyaarayay.”
Lamine Yamal, oo 17 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigay qaab ciyaareed sare, isagoo si joogto ah uga muuqda safka koowaad ee Barcelona. Wuxuu noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu da’da yar ee taariikhda horyaalka La Liga saameyn lixaad leh ku yeesha.
Tababaraha Barcelona,Hansi Flick, ayaa sidoo kale horay u sheegay in Yamal uu yahay mustaqbalka kooxda, isagoo xitaa la barbardhigay xiddigaha waaweyn sida Lionel Messi.
Barcelona ayaa hadda dagaal ugu jirta hanashada horyaalka La Liga iyo tartanka Champions League, waxaana la filayaa in Yamal uu door muhiim ah ka ciyaaro dadaalkaas.