Raphinha Oo Shaaca Ka Qaaday Go’aankii Uu Isaga Diiday Chelsea Ugana Doortay Barcelona.

0
19

Baladweyne (Radio Beerlula)-Raphinha ayaa shaaca ka qaaday in go’aankii uu ku diiday inuu u dhaqaaqo Chelsea suuqii xagaaga ugana doortay Barcelona in ay saamayn ku lahayd rabitaankiisa ah in uu maro wadadii Halyeeyga reer Brazil ee Ronaldinho.

Blues ayaa u muuqatay kuwo qarka u saaran in ay la wareegaan saxiixa xiddiga reer Brazil kuna garaacaan kooxda Arsenal kuwaas oo sidoo kale xiiso u qabay saxiixiisa xiddiga 25 jirka.

Wakiilka Raphinha oo ah xiddigii hore ee Barcelona iyo chelsea ayaa ku adkaystay in uu xiddigu ku biiro kooxda Barcelona.

Markii la weydiiyay inuu diiday fursad uu ku sii joogi lahaa Premier League, Raphinha ayaa u sheegay La Vanguardia”Miyaan diiday dalab iiga yimid chelsea? Haa sababta oo ah riyadaydu waxa ay ahayd in aan xidho maaliyada Barcelona”.

“Waan daawan jiray kulamada Barcelona tan ilaa markii aan yaraa, ilaa markii uu Ronaldinho U ciyaarayay waxana aan doonayay in aan ka qayb ahaado Barcelona”.

“Rabitaankaas ayaa ka awood badnaa dalab walba oo kale oo fiicnaa dhinaca dhaqaalaha”ayuu sii raaciyay.