RASMI: 32ka Kooxood Ee Maanta Loo Samaynayo Isku-aadka Champions League Oo Dhamaystirmay

0
215

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Isku aadka wareegga group-yada Champions League ayaa caawa la samayn doonaa, waxaana xalay soo dhamaystirmay dhamaan 32ka kooxood oo kuwii ugu dambeeyey ay soo gudbeen xalay.

PSV Eindhoven, Royal Antwerp iyo FC Copenhagen ayaa noqay saddexda kooxood ee ugu dambeeyey ee xalay soo baxay, waxaana ay kasoo tallaabsadeen oo hadhay Rangers, AEK Athens iyo Rakow Czestochowa oo saddexa hore la kala ciyaaray.

Bisha dambe ayaa uu tartanka Champions League bilaabmi doonaa, waxaana kulamada koowaad ay kooxuhu dheeli doonaan September 19 iyo 20.

32ka kooxood ayaa loo qaybiyey afar dheri oo id kasta uu ka kooban yahay siddeed kooxood oo ka kooban naadiyadii kusoo guuleystay horyaallada waaweyn ee Yurub iyo kooxdii qaadday tartanka Europa League xilli-ciyaareedkii tegay.

Halkan kaga bogo dheriyada isku-aadku ka imanayo

Dheriga 1aad: Man City, Sevilla, Barcelona, Napoli, Bayern Munich, PSG, Benfica, Feyenoord.

Dheriga 2aad: Real Madrid, Manchester United, Inter Milan, Borussia Dortmund, Atletico Madrid, RB Leipzig, Porto, Arsenal.

Dheriga 3aad: Shakhtar Donetsk, Red Bull Salzburg, AC Milan, Braga, PSV Eindhoven, Lazio, Red Star Belgrade, FC Copenhagen.

Dheriga 4aad: Young Boys, Real Sociedad, Galatasaray, Celtic, Newcastle United, Union Berlin, Royal Antwerp, RC Lens.