RASMI: Barcelona oo ku dhawaaqday saxiixa Robert Lewandowski

0
189

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis rasmi ah la gaartay Bayern Munich si ay ula soo saxiixato weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski, kaddib wadahadalo u socday bilihii la soo dhaafay.

Barcelona ayaa bayaan rasmi ah ay ku daabacday website-keeda, waxay ku xaqiijisay saxiixa Robert Lewandowski waxayna tiri:

“Barcelona iyo Bayern Munich waxay gaareen heshiis lagu dhameynayo qandaraaska Robert Lewandowski, ciyaaryahankuna wuxuu sugayaa tijaabada caafimaad iyo saxiixyada qandaraasyada.”

Lewandowski ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Balearic ku qaabilay saxafiyiin iyo warbaahin badan oo Spain ah iyo waliba qaar ka mid ah taageerayaasha, waxaana la waydiiyay su’aal ahayd inuu ku faraxsan yahay.

Weeraryahanka reer Poland ayaa wuxuu ku jawaabay: “Haa, aad ayaan u faraxsanahay.”

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee wargeysyada, weeraryahanka reer Poland ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Barca 4 bilood ka hor, waxaana uu saxiixi doonaa qandaraas soconaya ilaa 3 sano.