Rasmi: Barcelona Oo Xaqiijisay Diiwangelinta Joan Garcia Iyo Rashford

0
104

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta ayaa shaaca ka qaaday kulan uu la yeeshay ururka taageerayaasha kooxda ee magaalada Mallorca, in goolhaye Juan Garcia iyo weeraryahanka Marcus Rashford ay diyaar u yihiin inay qeyb noqdaan ciyaarta maanta.

Barcelona ayaa ciyaareyda kulankeeda ugu horreeya ee horyaalka La Liga, iyadoo marti u ah kooxda Mallorca garoonka Iberoestar Stadium.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, kooxda Catalonia ayaa dhammeystirtay dhammaan dukumintiyada lagama maarmaanka ah ee loo gudbinayay maamulka horyaalka, si rasmiga ah loogu diiwaangeliyo Garcia iyo Rashford, iyadoo hadda la sugayo oo keliya ogaysiiska rasmiga ah.

Laporta ayaa hadalkiisa ku daray:
“Juan Garcia iyo Rashford way ciyaari karaan, haddii tababare Hans Flick uu safkiisa ku darsado,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here