RASMI: Brazil Oo Lumisay Booska 1aad Ee Xulalka Ugu Wanaagsan Dunida Oo Ay LIX Sannadood Hoggaaminaysay

0
104

Baladweyne ( Radio Beerlula )Xulka qaranka Argentina ayaa kaalinta koowaad ee waddamada ugu wanaagsan kubadda cagta kala baxay Brazil oo muddo lix sannadood ah kaalinta koowaad fadhiday.

Argentina oo ku guuleysatay Koobka Adduunka, sidoo kalena badisay labadii ciyaarood ee saaxiibtinimo ee bishii hore, ayaa waxay ka sare martay Brazil kaddib markii xulka dalkaasi uu guul-darro 2-1ah kala kulmay Morocco.

Brazil ayaa hadda u dhacday kaalinta saddexaad, waxaana sidoo kale dhaafay oo ka sare maray xulka qaranka Faransiiska ee finalkii Koobka Adduunka ay Argentina ku kala calaf-qaadeen. Waxa Faransiiska ka caawiyey inay sare usoo kacan labdii ciyaarood ee isreeb-reebka Euro 2024 ee ay garaceen Netherlands iyo Ireland.

Belgium ayaa kaalinta afraad fadhida, waxaana ku xiga oo shanaad aha xulka qaranka England iyadoo Netherlands ay fadhido booska lixaad ee liiska xulalka ugu wanaagsan kubadda cagta.

Croatia ayaa waxay fadhidaa kaalinta toddobaad iyadoo Koobkii Adduunka ku dhamaysatay kaalinta saddexad, waxaanay ka sarreeyan Italy oo siddeedaad ah, Portugal oo sagaal fadhida iyo Spain oo booska kaalinta tobnaad kaga jirta liiska xulalka ugu wanaagsan kubadda cagta.

Qiimaynta billaha ah ee FIFA, ayaa waxa si weyn uga dhax muuqda xulka qaranka Morocco oo ku jira kaalinta 11aad, iyadoo waliba ay Morocco doonayso inay Spain iyo Portugal wada-jir u martigeliyaan Koobka Adduunka.

Morocco oo Koobkii Adduunka ee Qatar yimid semi-finalka, ayaa waxay tahay dalka Afrikaanka ah ee ugu wanaagsanaa taariikhda Koobka Adduunka, mana jirin dal kale oo soo gaadhay afarta ugu dambeeya.

Xulka qaranka Maraykanka ayaa 13aad fadhiya, halka Mexico iyo Canada oo ay wada-jir u martigelinayaan Koobka Adduunka 2026 ay ku kala jiraan 14aad iyo 47aad.

Japan oo kaalinta 20aad fadhida ayaa ah dalka ugu wanaagsan qaaradda Asia, iyadoo dalkii martigeliyey Koobkii Adduunka 2022 ee Qatar ay ku jiraan kaalinta 61aad.