Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda reer England ee Chelsea ayaa dib u cusbooneysiisay qandaraaska ciyaaryahankeeda Reece James, waxaana ka saxiixatay qandaraas muddo dheer ah.
Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay kooxda reer London ayaa lagu sheegay inay cusbooneysiisay qandaraaska ciyaaryahanka lixda sano ee soo socota, si Reece James uu ugu sii sugnaado garoonka Stamford Bridge ilaa June 2028.
Reece James ayaa kaddib heshiiska cusub uu saxiixay waxay ka dhigan tahay inuu noqday daafaca ugu mushaarka badan taariikhda kooxda, iyadoo la og yahay in qandaraaska cusub uu yahay shan sano, oo ay suurtagal tahay in la cusbooneysiiyo sanad dheeraad ah.
Reece James ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay cusboonaysiinta qandaraaskiisa, wuxuuna yiri:
“Waxaan dareemaa inaan joogo dayaxa dushiisa qandaraaskan cusub.”
“Waxaan u mahadcelinayaa taageerayaasha, maamulka cusub iyo cid kasta oo kooxda joogta. Ma sugi karo inaan arko waxa i sugaya mustaqbalka, waxaana hubaa inaan fursad u heli doono inaan koobab badan ku guuleysano.”
Reece James ayaa mushaarkiisa toddobaadla ah ee kooxda Chelsea wuxuu gaarayaa ilaa 250 kun oo Pound, wuxuuna ciyaaryahanka khasnada kooxda kala bixi doonaa sanadkii 65 million pounds siddeed sanno kaddib.