RASMI: Chelsea oo Aubameyang kala soo wareegtay Barcelona

0
19

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay dhameystirtay ka tagista weeraryahankeeda reer Gabon, Pierre-Emerick Aubameyang, oo ku biiray Chelsea, kaasoo ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee ka taga Blaugrana suuqii xagaaga.

“Barcelona iyo Chelsea waxay gaareen heshiis ay ku kala iibsanayaan ciyaaryahan Aubameyang aduun dhan 12 million euros” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Barcelona.

“FC Barcelona waxay uga mahadcelineysaa Aubameyang xirfad-yaqaannimada, ka go’naanta, dadaalka iyo la dhaqanka wanaagsan oo uu had iyo jeer u muujin jiray qof walba.”

“Waxaan u rajaynaynaa guul mustaqbalka xiddiga reer Gabon, waxaanan kaaga mahadcelineynaa dhoola cadeyntaada farxadda garoonka iyo dibadiisaba aad ka sameysay, Barcelona mar walba waxay ahaan doontaa gurigaaga.”

Dhankeeda kooxda Chelsea ayaa war rasmi ay soo saartay waxay ku sheegtay in heshiiska kala dhexeeyo Pierre-Emerick Aubameyang uu socon doono muddo laba sano ah.

Aubameyang ayaa kooxda Chelsea u xiran doona lambarka 9-aad, waana lambarka ay xiran jireen weeraryahanadii ugu caansanaa Chelsea taariikhda oo dhan.

Yeelkeeda, Aubameyang ayaa Barcelona ugu biiray bishii February ee la soo dhaafay heshiis xor ah kadib markii uu soo afjaray heshiiskii uu kula jiray Arsenal, wuxuuna ka qayb qaatay 24 kulan oo uu xirnaa maaliyada Blaugrana wuxuuna dhaliyay 13 gool.