RASMI: Chelsea oo ku dhawaaqday saxiixa Denis Zakaria

0
161

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay inay heshiis amaah ah kula soo wareegtay xiddiga reer Switzerland ee Denis Zakaria, kaasoo kaga soo biiray kooxda Juventus.

Sida laga soo xigtay warbixin lagu daabacay bogga rasmiga ah kooxda Chelsea ee Twitter, Zakaria wuxuu heshiis amaah oo xili ciyaareedkan 2022/2023, kaga soo biiray Juventus.

wararka ayaa xaqiijinaya in Zakaria uu soo dhaweeyay u dhaqaaqista Chelsea kaddib markii ay bilowdeen wada xaajoodyada u dhaxeeya dhinacyada uu heshiiska khuseyso.

Si kastaba ha noqotee, Qandaraaska Juventus ee Zakaria wuxuu dhacayaa Juun 2026, wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista khadka dhexe ee daafaca, waana 25 jir.