RASMI: France oo ku dhawaaqday in Benzema uu ka maqnaanayo Koobka Adduunka

0
215

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xulka qaranka France ayaa xaqiijiyay ka maqnaanshaha weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema, ee koobka adduunka.

Fariin qoraal lagu soo qoray bogga rasmiga ah “Twitter-ka” ee Xulka qaranka France ayaa lagu xaqiijiyay warka ku saabsan ka reebista Karim Benzema ee liiska xiddigaha xulka, waxaana lagu sheegay:

“Kadib dhaawac ka soo gaaray muruqa lugta bidix, Benzema waa inuu iska ilowaa koobka aduunka.”

“Kooxda oo dhan waxay la qeybsanayaan murugada Benzema, waxayna u rajeynayaan soo kabasho degdeg ah,”

Wargeyska “Le Parisien” ayaa shaaca ka qaaday, qoraal deg-deg ah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka; “Benzema waa uu ka haray Koobka Adduunka 2022.”

Wargeyska ayaa sharxay in xiddiga Real Madrid uu ka maqnaan doono Koobka Adduunka ee Qatar, ka dib markii baaritaano la sameeyay ay muujiyeen inuu dhaawac ka soo gaaray muruqa lugtiisa bidix.

Si kastaba ha noqotee, France ayaa ku jirta Group D oo ay ku jiraan Australia, Denmark iyo Tunisia.

Xulka France ayaa ciyaari doona kulankooda ugu horreeya heerka group-yada koobka adduunka, Talaadada soo socota, iyagoo wajihi doona Australia.