Baladweyne (Radio Beerlula)-Jude Bellingham ayaa ku guuleystay abaal-marinta Kopa Trophy ee Ballon d’Or ee ciyaartoygii ugu fiicnaa, kaddib xilli ciyaareed uu wacdaro ka dhigay garoomada oo uu xulka qarankiisa England tiir-dhexaad ugu ahaa in ay yimaaddaan semi-finalka Koobka Adduunka iyo Borussia Dortmund oo uu bandhig heersare ah ka sameeyey, ka hor intii aanu imanin Real Madrid oo uu si fiican ula jaan-qaaday.
20 jirkan ayaa waxa uu abaal-marinta ka dhaxlay Gavi oo sannadkii hore ku guuleystay, kaas oo uu uga sii horreeyey Pedri oo isaguna Barcelona, waxaanay taasi ka dhigan tahay in sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah ay abaal-marintani tegayso horyaalka LaLiga.
Jude Bellingham ayaa ka sokow in xulka qarankiisa uu keenay semi-finalka Koobka Adduunka, waxa kale oo Borussia Dortmund ay qarka u fuushay in ay ku guuleysato horyaalka Bundesliga, waxaana ay kufeen ciyaartii ugu dambaysay oo ay barbarro galeen iyagoo u baahnaa kaliya inay guuleystaan, amaba laga badiyo Bayern Munich.
Bellingham ayaa waxa abaal-marintan guddoonsiiyey Eden Hazard oo loo doortay inuu fagaaraha usoo istaago, waxaana uu ku garaacay oo uu kaga guuleystay: Rasmus Hojlund (Manchester United), Jamal Musiala (Bayern Munich), Alejandro Balde (Barcelona), Pedri (Barcelona), Antonio Silva (Benfica), Eduardo Camavinga (Real Madrid), Xavi Simons (RB Leipzig), Gavi (Barcelona), iyo Elye Wahi (Lens).
Bellingham ayaa waxa uu abaal-marintan ku guuleystay isaga oo kaalinta 18aad ka galay kala-sarraynta codadka Ballon d’Or.