RASMI: Juventus oo ku dhawaaqday saxiixa Pogba

0
162

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddiga reer France ee Paul Pogba, iyadoo ku heshay beeca xurta ah, kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa Manchester United.

Pogba ayaa dib ugu soo laabtay Juventus kaddib todobo sano oo uu la joogay Manchester United, halkaasoo ciyaaryahanka uu ugu biiray Red Devils 2016 heshiis rikoor ah oo ku kacay 105 million euros.

Juve ayaa ku dhawaaqday inay bixin doonto 2.5 million euros oo ah kharashaad dheeri ah oo ku baxaya heshiiska, wuxuuna Pogba saxiixay heshiis shan sano ah, oo soconaya illaa June 2026.

Paul Pogba ayaa u xiran doona Juventus maaliyada lambarka 10-aad kaas oo faaruq noqday ka dib markii uu kooxda ka tagay xiddiga reer Argantina Argentine ee Paulo Dybala.