RASMI: Kooxda Al-Nasr oo ku dhawaaqday heshiiska Cristiano Ronaldo

0
162

Kooxda Al-Nasr ee dalka Saudi Arabia ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii jimcaha inay la saxeexdeen xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaas oo socon doona ilaa xagaaga 2025.

Bogga rasmiga ah ee kooxda Al-Nasr ayaa lagu daabacday sawirrada madaxweynaha Al-Nasr, Musli Al Muammar, oo la jooga Cristiano, intii lagu jiray saxiixida qandaraaska, oo ka dhacay caasimadda Spain ee magaalada Madrid.

Bogga rasmiga kooxda ee Twitter-ka ayaa la soo dhigay sawirka Cristiano Ronaldo oo saxiixaya heshiiska waxaana la soo raaciyay qoraalka ah:

“Ciyaartoyga ugu wayn aduunka oo si rasmi ah ugu biiray Kooxda Al-Nasr.”

Dhankiisa madaxweynaha kooxda Al-Nasr, ee Musli Al Muammar, ayaa ka hadlay heshiiska wuxuuna yiri:

“Heshiiskani waa wax ka badan oo kaliya cutub cusub oo taariikhi ah, ciyaaryahankani wuxuu tusaale weyn u yahay dhamaan ciyaartoyda iyo dhalinyarada caalamka.”

“Isaga oo jooga Al-Nassr, waxaan hore ugu socon doonaa si aan guulo badan u gaarno koox ahaan, isboortiga Sacuudiga iyo jiilalka mustaqbalka.”

Al-Nasr ma uusan shaacinin qiimaha uu ku fadhiyo heshiiskan, balse wararka jaraa’idyada ayaa tilmaamaya in Ronaldo uu qaadan doono mushaar dhan 173 milyan ginni sannadkii, waxaana heshiiskan maalgelinaya mid ka mid ah maalgeliyayaasha Al-Nasr, iyadoo la isku daray. Wuxuuna qandaraaska soconayaa muddo 3 sano ah.

Waa markii ugu horreysay uu Cristiano Ronaldo ka baxo qaaradda Yurub, kaddib markii uu horay ugu soo ciyaaray kooxaha Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid iyo Juventus.

Waxaa xusid mudan in Manchester United ay heshiiska Cristiano Ronaldo ku baabi’isay is-afgarad, kaddib markii xiddiga reer Portugal uu wareysi taleefishin ah la yeeshay saxafiga Piers Morgan, xilligaasoo uu weerar ku qaaday maamulka kooxda iyo shaqaalihii hore iyo kuwa hadda jooga.