RASMI: Premier League Oo Isbeddel Ku Sameeyey Waqtiga Kulamada Manchester City Iyo Arsenal

0
99

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka horyaalka Premier League ayaa xaqiijiyey waqtiga la ciyaarayo kulanka xaasaasiga ah ee dhamaadka xilli ciyaareedl,a, waxaana dib loo riixay ciyaaraha aadka loo sugayo ee  Arsenal iyo Manchester United ee maalin ka hor gunaanadka xilli-ciyaareedka.

Premier League ayaa waxay sidoo xaqiijiyeen saacadda ay ciyaartu bilaabmi doonto iyo faahfaahinta telefishannada laga baahin doono kulamada usbuucaas.

Premier League ayaa waxay sheegeen in ciyaarta usbuuca 37aad ee Arsenal iyo Nottingham Forest ee Sabtidu ay bilaabmi doono 7.30pm waqtiga Geeska Afrika ee ay tariikhduna tahay May 20.

Waxa kale oo la go’aamiyey oo dib loogu riixay Axadda ciyaarta Manchester City iyo Chelsea oo laga dhigay 6pm Saacadda Geeska Afrika maalinta ay taariikhdu tahay May 21.

Labadan ciyaaroodba waxa loo go’aamiyey oo xuquuqda baahintooda la siiyey telefishanka Sky Sports oo ay taageereyaasha kubadda cagtu ka daawan doonaan.

Waxa kale oo la go’aamiyey waqtiga ciyarta la rumaysan yahay inay go’aaminayso kooxaha Ingiriiska uga qayb-geli doona tartamada Yurub ee Tottenham iyo Brentford oo baahintiisa la siiyey BT Sport. Newcastle United ayaa waxay waajihi doontaa Brighton Khamiista May 18, abaaro 9.30pm.