RASMI: Roma oo ku dhawaaqday saxiixa Matić

0
141

Baladweyne (Radio Beerlula)-Roma ayaa si rasmi ah u shaacisay fiidnimada maanta oo Talaado ah inay beeca xurta ah kula soo wareegtay xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia iyo kooxda Manchester United ee Nemanja Matić.

Roma ayaa bayaan rasmi ah ay soo saartay waxay ku xaqiijisay:

“Kooxdu waxay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso heshiiska Nemanja Matic, wuxuuna xiran doonaa lambarka 21.”

“Matic oo 33, wuxuu u saxiixay Giallorossi heshiis hal sano ah kaasoo socon doona ilaa 30-ka June 2023.”

Xiddiga reer Serbia ayaa u soo ciyaaray kooxaha Benfica, Chelsea, Manchester United, wuxuuna saddex jeer ee hore ku soo guuleystay horyaalka Premier League.

Nemanja Matić ayaa Manchester United ka qayb galay 32 kulan xilli ciyaareedkii hore, tartamada oo dhan, waxaan uu dhaliyay 4 gool.

33 jirkaan ayaa horay uga soo hoos shaqeeyay Jose Mourinho oo haatan ah tababaraha kooxda Roma, naadiyada Chelsea iyo Manchester United.