RASMI: Xiddigaha Barcelona Kala Hortegayso Celta Vigo Oo Lagu Dhawaaqay

0
52

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Barcelona waxay garoonka Lluis Companys Stadium ku martigelin doontaa Celta Vigo maalinta Sabtida, waxaana ciyaartii lixaad ee horyaalka LaLiga oo ay doonayaan in ay guul ka keenaan si ay ula wareegaan hoggaanka oo ay hadda laba dhibcood ka dambeeyaan Real Madrid.

Barca ayaa helaysa fursad ay 24 saacadood ku hayso hoggaanka inta laga gaadhayo ciyaarta Madrid Derby, taas oo kaliya ay hoggaanka ku lumin karaan haddii ay Real Madrid kasoo adkaato kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico.

Xavi Hernandez waxa uu shaaciyey, liiska ciyaartoydiisa kulanka Celta Vico, waxaana ka mid noqday oo oo dib usoo laabtay difaaca reer Uruguay ee Ronald Araujo oo kasoo kabtay dhaawac muruqa ah.

Kooxda horyaalka difaacanaysa oo barbarro goolal la’aan ah oo ay la gashay Getafe ku furatay xilli-ciyaareedka, ayaa afartii kulan ee xigay guulo soo hoysay, waxaanay haystaan 13 dhibcood iyaga oo laba dhibcood ka dambeeya Real Madrid oo shantii kulanba badisay oo 15 dhibcood haysata.

Liiska ciyaarta Barca ee kulanka Celta Vigo

Goolhayeyaal: Marc-Andre ter Stegen, Inaki Pena, Ander Astralaga

Difaacyahanno: Joao Cancelo, Alejandro Balde, Ronald Araujo, Inigo Martinez, Andreas Christensen, Marcos Alonso, Sergi Roberto, Jules Kounde

Khadka Dhexe: Gavi, Oriol Romeu, Ilkay Gundogan, Fermin

Weerarka: Ferran Torres, Robert Lewandowski, Raphinha, Joao Felix, Lamine Yamal