RASMI: Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Chelsea Oo La Shaaciyey – Immisa Ciyaartoy Oo Dhaawac Ah Ayaa Ka Maqan?

0
169

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dib u heshay xiddigo muhiim ah oo dhaawacyo fudud kaga maqnaa kulankii horyaalka LaLiga ee Cadiz ay waqtiga dambe guusha 2-0 ah ka gaadheen Sabtidii, waxaana usoo noqday Vinicius Junior iyo Toni Kroos.

Carlo Ancelotti ayaa soo saaray liiska  ciyaartoydiisa uu maanta ula safrayo magaalada London oo ay habeen dambe kula soo ciyaari doonaan Chelsea lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League, waxaana uu kusoo daray Vinicius iyo Kroos oo tababarkii Axaddii si fiican u qaatay.

Los Blancos oo ciyaartii hore ee Santiago Bernabeu 2-0 ku garaacday Chelsea oo qaybtii dambe ku dheelaysay 10 ciyaartoy kaddib markii casaan lagaga saaray Ben Chilwell, ayaa waxa sugaysa shaqo adag oo ah inay xajistaan guusha ay ciyaartii hore xaqiijisteen maadaama ay marti yihiin.

Ancelotti ayaa ciyaartii horyaalka ee Sabtidii waxa uu nasiyey David Alaba, Luka Modric, Dani Carvajal iyo Eduardo Camavinga, halka ay jugo usbuucii hore soo gaadhay ku maqnaayeen labada laacib ee soo noqday ee Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes.

Ciyaartoyga kaliya ee Real Madrid dhaawaca kaga maqan kulankan waa difaaca bidix ee reer France ee Ferland Mendy oo illaa dhamaadka bishan April maqnaan doona.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Real Madrid ee u safraya magaalada Londona

Goolhayeyaal: Thibaut Courtois, Andriy Lunin iyo Luis López.

Difaacyahanno: Dani Carvajal, Eder Militão, David Alaba, Jesus Vallejo, Nacho Fernandez, Alvaro Odriozola, Lucas Vazquez iyo Antonio Rüdiger.

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modrić, Eduardo Camavinga, Fede Valverde, Aurelien Tchouameni iyo Dani Ceballos.

Weeraryahanno: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Mariano.