RASMI: Xulka Qaranka Spain Ee Isreeb-reebka Euro 2024 Oo Lagu Dhawaaqay – Lamine Yamal Oo Kala Doortay Spain & Morocco

0
178

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Luis de la Fuente ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Spain ee kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee bsihan September iyo kulamo saaxiibtinimo oo wehelin doona.

Spain ayaa waxay Jimcaha la ciyaari doonaan Georgia kulan saaxiibtinimo oo ka dhici doona Tbilisi, kaddibna Salaasada ayaa waddanak Cyprus ku martigelin doonaan magaalada Granada.

Xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal ayaa ka mid noqday xulka qaranka Spain, waxaana isaga oo ay da’diisu tahay 16 jir loogu yeedhay xulka si Spain ay uga hortagto in Morocco ay ka hor qaadato oo ay ku darsato xulkeeda.

Xiddigan oo asal ahaan u dhashay waddanka Morocco oo wacdaro ka dhigay kulamadii Barcelona uu u saftay, ayaa waxa uu noqday wajiga cusub ee xulka Spain, waxaana sidoo kale ku cusub Abel Ruiz oo weerarka uga ciyaara kooxda reer Portugal ee Braga.

Luis de la Fuente ayaa waxa kale oo uu u yeedhay Aymeric Laporte oo noqonaya ciyaartoygii ugu horreeyey ee ka ciyaara qaaradda Asia ee ka mid noqda xulka qaranka Spain, kaddib markii uu laacibkani u wareegay naadiga Al-Nassr oo ka iibsatay Manchester City.

David Raya ayaa kasii mid ahaanaya goolhayeyaasha u tartamaya biraha dhaxdooda, waxaana sidoo kale xulka kusoo laabtay difaacyahannada Pau Torres iyo Cesar Azpilicueta

Xulka qaranka Spain oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: Unai Simón, Kepa iyo David Raya.

Difaacyahanno: Carvajal, Laporte, Azpilicueta, Le Normand, David García, Pau Torres, Balde iyo Gayà.

Khadka Dhexe: Rodri, Zubimendi, Gavi, Fabián Ruiz, Mikel Merino iyo Álex Baena.

Weeraryahanno: Dani Olmo, Morata, Asensio, Lamine Yamal, Joselu, Nico Williams iyo Abel Ruiz.