Rasmi:Ousmane Dembélé Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Ballon d’Or 2025

0
174

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Weeraryahanka reer France Ousmane Dembélé ayaa dhammaystiray xilli-ciyaareed cajiib ah 2024–25 kadib markii loo caleemo saaray xiddiga adduunka ugu fiican ee ku guuleystay Ballon d’Or 2025.

Dembélé ayaa u saftay Paris Saint-Germain 59 kulan dhammaan tartamada, isaga oo ku lug yeeshay 37 gool iyo 14 caawin. Wuxuu ahaa laf-dhabarta PSG ee guulihii taariikhiga ahaa, isagoo ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato Ligue 1, Coupe de France, UEFA Champions League, Trophée des Champions iyo UEFA Super Cup.

Tartanka UEFA Champions League ayuu si gaar ah ugu iftiimay, isagoo dhaliyay 8 gool isla markaana bixiyay 6 caawin. Waxaa ka mid ahaa saddexleey uu ka dhaliyay Stuttgart iyo goolal muhiim ah oo uu ka dhaliyay marxaladaha nus-dhamaadka iyo bug-baxa, isagoo ku hogaamiyay PSG guulo ka dhan ah Liverpool iyo Arsenal. Waxqabadkan ayaa u horseeday in loo doorto Xiddiga Xilli-ciyaareedka Champions League.

Abaalmarintan Ballon d’Or waxay xaqiijisay sumcadda Dembélé, isagoo loo aqoonsaday mid ka mid ah weeraryahannada ugu sarreeya Yurub, isla markaana uu door weyn ku yeelan doono PSG sannadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here