Raysal wasaarihii Nepal oo is casilay

0
79

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Qoraal uu ku saxiixnaa Raysal wasaaraha Nepal Oli ayaa lagu sheegay in uu isku casilay si uu ugu gogol xaadho sidii xal dastuuri ah oo xal u noqon kara xiisadaha ka taagan dalkaasi.

Tan iyo aroortii hore ayay mudaaharaadyo xoogani waxa ay ka dhacayeen caasimadda Kathmandu iyo guud ahaan dalka Nepal.

Guryo dhowr ah oo siyaasiyiin caan ah ay deggan yihiin ayaa la weeraray oo la burburiyay kuwaas oo ay ku jiraan kuwa ay leeyihiin Oli iyo raysalwsaarihii hore Sher Bahadur Deuba.
Sidoo kale waxaa la beegsaday xarumaha xisbiyada siyaasadda.

Mohan Regmi, oo ah agaasimaha fulinta ee cisbitaalka adeegga shacabka, ayaa BBC u sheegay in laba qof ay dhinteen intii uu socday mudaaharaadkii Talaadadii isagoo sidoo kale sheegay in 90 ruux ay hadda ku jiraan isbitaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here