Raysalwasaarihii Faransiiska oo xilka hayay wax bil ka yar oo is casilay

0
103

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Raysalwasaarahii Faransiiska, Sébastien Lecornu, ayaa iscasilay saacado un kaddib markii golihiisa wasiirrada la shaaciyay.

Qasriga Elysée ayaa ku dhawaaqay arrintaas kaddib kulan saacado qaatay oo uu Lecornu la yeeshay Madaxweynaha Emmanuel Macron subaxnimadii Isniinta.

Tallaabadan lama filaanka ah waxay timid kaliya 26 maalmood kaddib magacaabistiisa oo daba socotay markii ay dhacday xukuumaddii uu hoggaaminayay François Bayrou.

Xubno badan oo ka tirsan Golaha Shacabka (National Assembly) ayaa si xooggan u dhaliilay golaha wasiirrada ee uu Lecornu soo dhisay, maaddaama uu si weyn ugu eg yahay kii Bayrou, waxayna xisbiyadu ku hanjabeen in ay codka kalsoonida ka qaadi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here