Raysalwasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi oo geeriyooday

0
106

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Raysal wasaarihii hore ee Talyaaniga, Silvio Berlusconi oo eedaymo kusaabsan fadeexado galmo iyo musuqmaasuq kasoo kacay ayaa ku geeriyooday da’da 86 jir.
Wuxuu ku dhintay isbitaalka magaalada Milan ee San Raffaele sida lagasoo xigtay warbaahinta Talyaaniga.
Bishii April ee sannadkaan ayaa Silvio laga daweeyay caabuq kaga dhacay sambabka kaas oo ka dhashay nooc ka mid ah kansarka oo aan la shaacin.
Ganacsadahan warbaahinta ee horumaray ayaa markii u horrreysay qabtay xafiiska ugu sareeya Talyaaniga sannadkii 1994, wuxuuna soo hogaamiyey afar dawladood tan iyo sannadkii 2011.
Wuxuu hogaaminayay xisbiga midigta dhexe ee Forza kaas oo isbahaysi la galay raysal wasaare Giorgia Meloni ka dib doorashooyinkii sebtembar, amrkii loo doortay aqalka sare ee Talyaaniga.