Raysul wasaarihii hore ee Pakistan oo la soo xiray Kadib markii la xukumay

0
70

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Mr Khan ayaa lagu helay danbi ah inuusan shaacin lacagta uu ka helay iibinta hadiyado uu ku helay xafiiska. Wuu diiday eedaymaha wuxuuna uu sheegay in uu racfaan ka qaadan doono.

Xukunka kadib, Mr Khan waxaa laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala Lahore.

Qoraal horay loo sii duubay oo uu soo dhigay X, oo hore loogu yiqiin Twitter-ka, ayuu u sheegay taageerayaashiisa: “Waxaan leeyahay hal racfaan oo kaliya, ha fadhinina guriga idinka oo aamusan.”