Real Madrid Oo Badalka Casemiro Ka Doonaysa

0
171

Baladweyne (Radio Beerlula)Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo badalka xiddiga Casemiro kaas oo ku dhaw in uu ka tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan

Real Madrid ayaa Casemiro u ogolaatay in uu ku biiro kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii uu xiddiu dalbaday in uu u dhaqaaqo premier League.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA, Real Madrid ayaa calaamasatay xiddiga kooxda Newcastle United ee Bruno Guimaraes iyo waliba xiddiga kooxda Real Betis ee Guido Rodriguez.

Gaar ahaan Xiddiga Bruno Guimaraes ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Real Madrid iyada oo Ancelotti xiddiga reer Brazil u arko mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxda.

Laakiin Newcastle United ayaa dalban doonta lacag ka badan 52 milyan oo euro taas oo ah lacagtii ay ka soo bixisay xiddiga.