Real Madrid Oo Beenisay Heshiiska La Sheegay Inay La Gaadhay Kylian Mbappe

0
120

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay wararka sheegaya in ay heshiis la gaadhay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ay xataa diyaarisay lambarka uu u xidhanayo, waxayse Madrid xaqiijisay in aanay warkaas waxba ka jirin.

Wargeyska Diario AS ayaa qoray in Real Madrid ay kalsooni buuxda ku qabto in ay la saxeexanayso Mbappe oo ay waliba bilaash kagala soo wareegayaan PSG oo qandaraaska uu kula jiro ay ka hadhsan yihiin toddoba bilood oo kaliya

24 jirkan oo la sheegay inuu iska diiday heshiis cusub oo ay PSG u bandhigtay xagaagii, ayaa waxa ay wararka ay warbaahinta Spain qoreen ay sheegayaan, in Real Madrid ay siin doonto £87 milyan oo Gini oo ah xaqal qalin ama gunno-saxeex.

Si kastaba, Real Madrid ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in aanay waxba ka jirin wararkaas oo ay been-abuur yihiin, waxaana war-saxaafadeedku uu u dhignaa sidan: “Waraka ay saxaafaddu ku sheegayso in ay wada-xaajoodyo dhax-mareen Kylian Mbappe iyo kooxdayada, Real Madrid waxay caddaynaysaa in gebi ahaanba uu warkaasi been-abuur yahay.

“Annagu wada-hadallo lama yeelan karno ciyaartoy ay iska leedahay PSG.”