Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda heysata horyaalka Laliga ayaa garoonkooda ku garaacday Valladolid , iyadoo goolka furitaanka uu u dhaliyay Federico Valverde.
Brahim Diaz oo badal kusoo galay ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Madrid hogaanka ku dheeyresatay daqiiqadii 88-aad, wuxuuna si wacan u dhameystiray kubad dheer oo uu ka helay Eder Militao.
Endrick ayaa goolka 3aad u dhaliyay Los Blancos daqiiqadii ugu dambeysay ee waqtiga dheeriga ah lagu daray.
Mbappe ayaa sameeyay dhawr orod oo wanagsan oo uu xitsa goolal ku dhalin karaayay, laakiin waxa uu kulankiisii ugu horeeyay ku guuldareystay inuu wax gool ah dhaliyo.
Endrick ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee ajnabi ah ee gool u dhaliya Real Madrid dhammaan taariikhda La Liga.
Wuxuu jira 18 sano, 35 maalmood.
Kuna darso wuxuu ciyaaray oo kaliya 10 daqiiqo.
Madrid ciyaarta xigta waxay Khamiista la ciyaaraan Las Palmas.