Real Madrid oo Go’aamisay Mustaqbalka Arda Güler

0
197

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arda Güler, oo ah mid ka mid ah da”yarta ugu fiican ee soo martay Real Madrid, ayaa kalsooni buuxda ka haysta kooxda iyo tababarihiisa Carlo Ancelotti.

Inkastoo bilowgiisa kooxda uu ahaa mid niyad jab leh, tababaraha reer Talyaani ayaa fahamsan in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Turkiga uu mustaqbal wanaagsan ku leeyahay Santiago Bernabéu.

Waxaa ka go’an macalinka Real Madrid Carlo Ancelotti inuu siiyo door ku habboon bilaha soo socda xiddiga Arda Güler

Tan iyo markii uu ku biiray Real Madrid, Güler wuxuu soo bandhigay awoodiisa farsamo ee cajiibka ah.

Ancelotti, wuxuu ogyahay in Arda Güler yahay xiddig soo baxaya, wuxuuna si tartiib tartiib ah doonayaa inuu door kaga siiyo shaxdiisa.

Istaraatiijiyadan, waxaa taageersan guddiga kooxda, oo ujeedadoodu tahay in la ilaaliyo horumarka ciyaaryahanka.

Arda Güler oo xiiso ka helay dhowr koox oo waaweyn oo ka dhisan yurub ayaa sii joogi doona Real Madrid si uu u hormariyo xirfadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here