Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Tababare Carlo Ancelotti

0
85

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka warwareegay inuu ka jawaabo su’aalo laga weydiinayay mustaqbalkiisa bilihii ugu dambeeyey, iyadoo la ogyahay in qandaraaska uu kula jiro kooxda reer Spain uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Carlo Ancelotti ayaa horraantii xilli-ciyaareedka waxa la sheegay inuu heshiis la gaadhay xidhiidhka kubadda cagta Brazil oo uu tababare u noqon doono, balse waxa uu dhowaan sheegay in arrintaasi ay tahay kutidhi-kuteen.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa waxa ay sheegtay, in Real Madrid ay qiimaynayso shaqadii uu qabtay Carlo Ancelotti labadii sannadood ee hore ee uu joogay Santiago Bernabeu, isla markaana aanay jirin cabashooyin iyo saluug badan. Waxa kale oo ay Los Blancos ku qanacsan tahay sida uu u maamulayo kooxda isaga oo aan ka dayrinayn xaaladda ay ku jiraan, gaar ahaan in aan loo keenin beddelka Karim Benzema, isla markaana safkooda afka hore uu kaliya kusoo kordhay Joselu Mato oo ay waliba amaah kusoo qaateen.

Warka ayaa intaa ku daray, in Real Madrid aanay wali Carlo Ancelotti kala hadal mustaqbalkiisa, balse ay go’aamiyeen in dhamaadka xilli-ciyaareedka ay miiska la fadhiistaan.

Florentino Perez ayaa qorshaynaya inuu Carlo Ancelotti u bandhigo heshiis cusub oo laba sannadood ah, balse waxa ay wax walba ku xidhnaan doonaan guulaha ay kooxdu soo hoyso xilli-ciyaareedkan ee dhinaca koobabka.