Real Madrid Oo Guul Ka Gaadhay Man United

0
51

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Real Madrid ayaa guul cajiib ah oo 2-0 ah ka gaadhay dhigeeda Manchester United xilli ay sii wadato guulaheeda kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka 2023-24.

Madrid ayaa labada gool ee ay ku adkaatayba ka heshay saxeexyadeeda cusub ee Jude Bellingham iyo weeraryahan Joselu Mato.

Mainoo, da’yarka khadka dhexe wacdaraha uga soo dhigayay Man United dhawaanahan ayaa ka dhaawacmay daqiiqadii 3-aad oo garoonka ka baxay.

Jude Bellingham ayaa akoonka goolasha Madrid furtay daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta, Rudiger ayaa baas cajiib ah meel fog kasoo qaadaya iyadoo Bellingham kubadda ku hor xakamaynayo goolhaye Andre Onana oo kulankiisii koowaad ciyaarayay kana dul qaadayo.

Intaas kaddib Manchester ayaa samaynaysa isku dayo balse darbo uu laagay Rashford ayaa goolka hareer martay halka midii Garnacho uu goolhaye Andriy Lunin badbaadiyay.

Ugu dambayn daqiiqadii 89-aad ee kulanka ayuu Lucas Vazquez garabka midig ka qaadayaa kubad cajiib ah oo uu u gaynayo Joselu Mato kaas oo isagoo aysan cidina raacanayn gool dhabal ah (Maqas) ku hubsanaya shabaqa Manchester.

Real Madrid defeat Manchester United 2-0 in pre-season tour