Real Madrid oo guul ku daah furatay La Liga kaddib markii ay guul soo laabasho ah ka gaartay kooxda Almeria

0
159

Baladweyne (Radio Beerlula)- Real Madrid ayaa guul ku daah furatay horyaalka La Liga kaddib markii ay guul soo laabasho oo 2-1 ah ka gaartay kooxda Almeria, kulankooda ugu horreeyay xilli ciyaareedka cusub ee 2022/23.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Almeria.

Daqiiqadii 6-aad kooxda kubadda cagta Almeria ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Largie Ramazani, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Íñigo Eguaras.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

61 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Madrid ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay L. Vazquez oo ay caawin kaga timid Benzema.

Daqiiqadii 75-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool ku laad qurux badan dhaliyay David Alaba oo badal ku soo galay isla markaana ay ahayd taabashadiisa ugu horreeyay, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-2.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Real Madrid, kooxda Almeria oo ay booqatay, Los Blancos ayaa sidaas gacanta ugu dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horreysay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cuub ee 2022/23.