Real Madrid oo hoggaanka u qabatay horyaalka La Liga kaddib markii ay ka adkaatay Barcelona

0
139

Baladweyne (Radio Beerlula)-Real Madrid oo hoggaanka u qabatay horyaalka La Liga kaddib markii ay kaga adkaatay Barcelona 3-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda ku ciyaareysay garoonkeeda ee Real Madrid.

Daqiiqadii 12-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay weeraryahanka reer France ee Karim Benzema.

35 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay Federico Valverde oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Ferland Mendy.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 83-aad Barcelona ayaa dhalisay gool waxaana 2-1 ka dhigay Ferran Torres, kaddib markii ay caawin kaga timid Lewandowski.

90 + 2 daqiiqo marka ay dheesha ahayd Real Madrid ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay isla ciyaaryahanka qaladka lagu galay ee Rodrygo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Real Madrid, kooxda Barcelona oo marti ugu ahayd Santiago Bernabéu, Los Blancos ayaa kaddib guushan waxay hoggaanka u qabatay kala sarreynta horyaalka La Liga, waxayna leedahay 25 dhibcood.