Real Madrid Oo Jidka Guusha Kusoo Laabatay Ka Hor Kulanka Liverpool Ee Arbacada

0
109

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kusoo laabatay jidka guusha oo ay ka maqnayd saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaanay 3-1 ku garaacday Espanyol oo gool kala hormartay.

Los Blancos ayaa guushan dhoola-tuska ah gaadhay ka hor ciyaarta Liverpool ay martigelinayaan Arbacada oo isla garoonkan kusoo booqan doonta, waxaanay soo yareeyeen farqiga dhibcaha ay Barcelona ka horreyso oo ay kusoo koobeen lix dhibcood.

Laba gool oo qaybtii hore ay dhaliyeen xiddigaha reer Brazil ee Vinicius Junior iyo Eder Militao ayaa waxa waqtigii dheeraadka ahaa gool saddexaad sii raaciyey Marco Asensio oo kursiga kaydka uga soo kacay si uu u dhamaystiro baas cajiib ahaa oo uu ka helay Nacho Fernandez.

Espanyol ayaa gool degdeg ahaa kaga nixiyey Real Madrid daqiiqaddii sagaalaad markaas oo uu Joselu goolhaye Thibaut Courtois weydaariyey kubbad ay xiddigaha Madrid is-weydiiyeen sida ay ku suurtogashay in waqti hore lagaga dhaliyo garoonkooda.

Laakiin Vinicius Junior ayaa niyadda usoo celiyey kooxdooda, waxaana kubbad uu kasoo qaatay badhtamaha garoonka oo garabka bidix ah uu usoo gooyey laba difaac ka hor intii aanu ula dhaqaaqin dhinaca midig ee xerada ganaaxa, isla  markaana darbad xooggan ku tooganin goolka, taas oo dhinaca fog ee goolhayaha ka gashay shabaqa.

Rodrygo Goes iyo Dani Carvajal ayaa fursado fiican oo ay heleen aan dhamaystirin, hase yeeshee Eder Militao ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 38aad oo uu dhamaystiray kubbad uu ka helay Aurelien Tchouameni, taas oo goolhaye Fernando Pacheco anu u helin fursad uu ku badbaadiyo.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayuu Rodrygo Goes birta ku garaacay laad xor ah oo uu ka tuuray bannaanka xerada ganaaxa, balse waxa isaguna fursad fiican khasaariyey Vinicius Junior.

Nacho Fernandez ayaa isku beddelay weeraryahan, waxaana uu kubadda la dhex orday dersin ciyaartoyda Espanyol ah kaddibna waxa uu meel cidlo ah u dhigay Marco Asensio oo isaguna si xarrago leh u dhamaystiray.

Fede Valverde ayaa uu goolhaye Fernando Pacheco ka badbaadiyey kubbad waqti uu garsooruhu isku diyaarinayay inuu yeedhiyo siidhiga dhamaadka.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Real Madrid oo yeelatay 56 dhibcood, waxaanay lix dhibcood ka dambeeyaan Barcelona oo haysata 62 dhibcood laakiin habeen dambe ciyaaraysa.