Baladweyne (Radio Beerlula)-Real Madrid ayaa u muuqata inay ka weecanayso raadinta Trent Alexander-Arnold kuna sii jeeddo iney soo xero geliso Diogo Dalot.
Xiddiga Liverpool qandaraaskiisa ayaa gabaabsi ah, waxaana laga bilaabo Janaayo 1 uu awood u yeelan doonaa inuu heshiis horudhac ah la galo koox kasta oo ka baxsan Premier League. Alexander-Arnold wuxuu weli ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican ee Anfield, iyadoo Liverpool ay si heer sare ah u ciyaareyso xilli ciyaareed kaan.
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa rumeysan inaysan suuragal ahayn in Alexander-Arnold uu ka tago Liverpool iyadoo kooxda uu Arne Slot hoggaamiyo ay guulo badan gaareyso. Sidaas darteed, Real waxay ku qasban tahay inay tixgeliso beddelo kale, taas oo keentay inay u jeestaan Dalot.
Dalot, oo uu Jose Mourinho saxiixay 2018, ayaa noqday ciyaaryahan joogto ah oo ka tirsan Manchester United. Inkastoo uu ka ciyaarayo koox aan si fiican isu heysan, daafaca midig ee Portugal ayaa magaciisu sii xoogeysanayaa. Sida laga soo xigtay Relevo, Real Madrid ayaa ku qiimeyneysa daafaca United qiyaastii £41 milyan.