Real Madrid Oo La Wareegaysa Kabtanka Cusub Ee Chelsea Ee Lama-taabtaanka U Ah Pochettino

0
91

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa weerar ku qaadaysa Chelsea oo ay ka doonayso mid ka mid ah xiddigaha laf-dhabarta u ah Blues, kaas oo Florentino Perez uu doonayo inuu geeyo Santiago Bernabeu xagaaga sannadka 2024 ama 2025.

Real Madrid ayay u calaamadsan yihiin xiddigo waaweyn oo uu qorshuhu yahay inay la saxeexdaan xagaaga, waxaana kaalinta koowaad kaga jira weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo ay kala soo wareegayaan Paris Saint-Germain.

 

24 jirkan oo qandaraaskiisa Parc des Princes uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa uu si bilaash ah uga tegi karayaa PSG, laakiin lacag badan ayaa mar walba kaga bixi doonta Madrid sababtoo ah isaga ayaa doonaya in la siiyo lacag xaqal-qalin ah oo ka badan 100 milyan oo Euro.

Qorshaha Madrid ayaa waxa kaalinta labaad kaga jira difaaca bidix ee reer Canada ee Alphonso Davies oo ay doonayaan inay kala soo wareegaan Bayern Munich oo ku qasbanaan doonta inay iibiso maadaama uu diiday inuu u cusboonaysiiyo heshiiskiisa oo sannad kali ahi ka hadhsanaan doono marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan