Real Madrid Oo Loo Diiday Inay Ciyaarsiiso Vincius Jr Kulanka Madrid Derby Ee Axadda

0
109

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa loo diiday in ay liiska ciyaartoydeeda kusoo darto xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior kulanka Madrid Derby ee Axadda, inkasta oo uu tababare Carlo Ancelotti saxaafadda u sheegay in uu laacibkani kusoo laabtay tababarka oo uu diyaar yahay.

Tababaraha Talyaaniga ayaa saxaafadda u sheegay, in Vinicius Jr uu fursad u haysto kulanka Atletico Madrid laakiin uu xaqiijinayo in ciyaarta Las Palmas ee Arbacada uu dheeli doono halka Axadda ay fursaddiisu sarrayso.

Vinicius Jr oo uu daawac kasoo gaadhay ciyaartii Celta Vigo ee badhtamaha bishii hore ee August, ayaa waxa hore loo filayay in uu garoomada ka maqnaan doono lix toddobaad, hase yeeshee laacibkan ayaa si degdeg ah u bilaabay in uu soo kabto oo uu tababarka qaato.

Ancelotti oo saxaafadda la hadlay kaddib ciyaartii Union Berlin ee xalay, ayaa waxa uu sheegay xiddiga reer Brazil uu waqti kooban kaga soo kabtay dhaawaca oo uu ciyaari karayo kulanka Atletico Madrid balse aanu qaadanayn wax khatar ah.

Laakiin dhakhaatiirta kooxda ayaa la sheegay in ay Carlo Ancelotti u sheegeen in aanu xisaabtiisa Madrid Derby ku darsanin Vincius Junior oo aanu ku talo-gelin in uu ciyaari doono sababatoo ah muruqa uu dhaawacu kasoo gaadhay oo wali u baahan waqti intan ka badan oo soo kabasho ah.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa uu qorshaheedu ahaa in ay ciyaarsiiyaan Vinicius Junior haddii uu taam noqdo sababtoo ah waxa uu burburin karayay qorshaha tababare Diego Simeone ee ku sallaysan dagaalka iyo cidhiidhiga la saaro ciyaartoyda.