Real Madrid Oo Man City Ka Doonaysa Xiddig Naqaska Ku Dhajiyay Vinícius Jr.

0
91

Baladweyne (Radio Beerlula)-Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u muujisay saxiixa xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda Man City ee Kyle Walker.

Walker ayaa ku soo bilowday labadii lugood ee semi-finalka Champions League ee u dhaxeeyay labada kooxood dhawaan, waxaana uu ku helay ammaan sida uu u maareeyay halista Vinicius Junior ee weerarka Real.

Hadii ay Man City ku guulaysato tartanka champions League ee ay la ciyaari doonto kooxda Inter Milan bisha dambe waxa ay ku guulaysan doontaa saddexley.

Sidaa darteed, majaladda Isbaanishka ee Defensa Central ayaa sheegtay in tababaraha Real Carlo Ancelotti uu isku dayi doono in uu Walker ku qanciyo in uu yimaado La Liga xilli ciyaareedka dambe.

Wrarka ayaa sheegeysa in daafac midig oo cusub uu ku jiro liiska xiddigaha ay kooxda Real Madrid doonayso suuqa kala iibsiga xagaaga.