Real Madrid Oo Qarka U Saaran Inay La Wareegto David de Gea

0
77

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Real Madrid ayaa qarka u saaran inay la saxiixato David de Gea, sida ay sheegayaan wararka.

Talaabadaan ayaa ka danbeysay ka dib markii la sheegay in Thibaut Courtois uu garoomada ka maqnaanayo dhowr bilood madaama uu dhaawac hlis ah ka soo gaaray jilibka.

De Gea oo 32 sanno jir ah ayaa si xor ah lagu heli karaa ka dib markii uu ka tagay Manchester United dhamaadkii bishii Juun.

Courtois ayaa isagoo ooyaya ka tagaya tababarka ka dib markii uu ka dhaawacmay jilibka bidix.

Dhaawaca ayaa ka dhigeysa in Andriy Lunin uu yahay kaliya goolhayaha weyn ee kooxda jooga.

Laakiin taasi waa ay isbedeleysaa iyadoo De Gea uu wadahadalo horumarsan kula jiro Real Madrid sida ay sheegtay talkSPORT.

Real Madrid ayaa sannadii 2015kii isku dayday inay la saxiixato goolhayaha reer Spain laakiin hishiiskaas ayaa u burburay mashiinka fakiska oo ciladoobay.

Wuxuu ka tagay Old Traffod ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa bishii Juun taasoo soo gabagabeysay 12 sannadood uu joogay Old Trafford.

Dhowr kooxood ayaa lagu waramayay inay xiiseynayeen De Gea oo ay ku jirto Inter Milan laakiin goiolhayaha reer Spain ayaa iska diiday kooxda Talyaaniga.

Real Madrid ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inay qiimeyneyso xaalada Kepa Arrizabalaga ee Chelsea.

Kepa ayaa haatan diirada u saaran Bayern Munich kuwaasoo doonaya inay amaah ku qaataan islamarkaana khiyaar loo siiyo inay iibsadaan.