Real Madrid oo saddexada dhibcood ka soo heshay Atletico Madrid

0
143

Baladweyne (Radio Beerlula)-Real Madrid ayaa saddexada dhibcood ka soo heshay Atletico Madrid oo ay ku booqatay garoonkeeda Metropolitano, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 18-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Rodrygo, kaddib markii uu ka caawiyay Tchouameni.

36 daqiiqo marka ay ciyaartamareysay Valverde ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Real Madrid.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 83-aad Atletico Madrid ayaa la timid gool iyada oo uu 1-2 ka dhigay ciyaarta Mario Hermoso.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Real Madrid, kooxda Atletico Madrid oo ay ku booqatay garoonka Metropolitano, ciyaartan ayaa qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.