Real Madrid Oo Saxeexa Weeraryahan Cusub Qarka U Saaran

0
153

Baladweyne (Radio Beerlula)- Sida uu sheegayo wargeyska Marca ee ku sallaysan magaalada Madrid, kooxda Real Madrid ayaa ku dhaw saxeexa weeraryahanka Espanyol heerka labaad ula dhaadhacaya ee Joselu Mato oo ay qaab amaah ah ku helayso.

Real Madrid ayaa ka faa’idaysanaysa qoddob ku jiray heshiiska Joselu ee Espanyol oo ahaa inay kooxdu fasaxdo haddii ay heerka labaad u dhaadhacdo waxayna kaliya saxeexiisa ka bixinayaan mushaharkiisa.

Image

Saxeexa koowaad ee Madrid suuqan ayaa noqonaya daafaca bidix ee Rayo Vallecano ee Fran Garcia oo kusoo laabanaya Bernabeu, intaas kaddib ayaa la filayaa in Joselu oo 2009 da’yarta kooxda kusoo biiray 2011 kulankiisii koowaad ciyaaray isna soo laabto.

Tan ayaa noqonaysa talaabadii koowaad ee Real Madrid qaado marka ay noqoto xalinta booskeeda weerarka dhexe ee ay haatan u joogaan kabtan Karim Benzema iyo Mariano Diaz.

Mariano ayaa la filayaa inuu ugu dambayn ka huleelo kooxda halka Benzema mustaqbalkiisa maalmaha soo socda go’aan kama dambays ah ka gaadhi doono kaddib dalabka qaaliga ah ee uu ka helay horyaalka Saudi Arabia.

Haddii Benzema baxo, Los Blancos ayaa u dhaqaaqi kara saxeexa hoggaamiyaha Tottenham ee Harry Kane oo heshiiskiisa kooxdaas hal sano ka hadhay.

Sabab ku adkayn karta Madrid saxeexa Kane ayaa ah inuusan doonayn inuu ka baxo Premier League maadaama uu rabo inuu jabiyo rekoodhka goolasha horyaalkaas ee Alan Shearer haysto.